Xxasan Sheekh oo lagu dhaliilay falcelintiisa "shiidka" ee ka Muqdisho

Image
Dadka ka falceliyay hadalka madaxweynaha ayaa ku tilmaamay nasiib darro maadaama uu u gefay dhalinyaradda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Caro xooggan ayaa ka dhalatay hadalka uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ku duray cabashad ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku muujiyeen dhaqaale xumada isku badashay faqriga ee maalmihii lasoo dhaafay ka dilaacdey magaalada Muqdisho.

Isaga oo ka hadlayay masjidka ku dhex yaalla Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa dadka cabanaya ku tilmaamay “kuwa markii hore ku noolaa shaxaad iyo qaar lacag u uruurin jiray argagixisada”. Cambaareyntan ayaa dadka ka falceliyay ku qeexeen nasiib darro.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan waxaa ka socday ol’ole lagu soo bandhigay baraha bulshada, kaas oo dhalinyarada ku nool magaalo-madaxda kaga cabaneyso dhaqaale xumo soo wajahday dadka, gaar ahaan dhalinyarada.

Dhaqaale xumada la sheegay ayaa dusha loo saaray dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo lagu eedeeyey in dhaqaalihii dalka gacanta u galay kooxo gaar ah oo aad ugu dhow Villa Somalia, kuwaas oo la sheegay in dhaqaalaha dalka dibadiisa hanti kaga iibsadeen.

Dalka Soomaaliya oo ka soo kabanaya burburkii dowladnimo ayaa aad ugu tiirsan taageerada dhaqaale ee laga helo beesha caalamka, gaar ahaan magaalo-madaxda, taas oo dadka ku nool ku tiirsan yihiin qandaraasyada laga helo mashaariicda beesha caalamka kuwaas oo xaruntoodu tahay Xalane.

Sawirro aad u faafay ayaa muujiyay qaar ka tirsan muuqaalada baraha bulshada soo dhigeen dhalinyarada ka cabaneysa dhaqaale xumada soo foodsaartey magaalo-madaxda tan iyo intii xukunka la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM