​Carte "Dalka waxaa sidaan u galay waa siyaasad xumo"

Image

MUQDISHU- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte, ayaa  waxa laga xumaado ku tilmaamay marxaladda dalku marayo iyo bur-burka ka muuqda xarumaha muhiimka ah ee laamaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida xilli uu ka qayb galay xaflad lagu xusayay sanad guuradii 56-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada Cirka Somalia taasoo lagu qabtay magalada Muqdishu. 

Munaasibadda dabaal dagga, waxaaa ka soo qayb-galeen Wasiiradda Gaashaandhiga, Cadaalada iyo dhamaan hogaannada Ciidamada Qalabka sida. 

“Waxaan ka xumahay in xaruntii Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xaruntii Ciidamadda Cirka ay sidan u burbur-san yihiin, waxaan idinka codsanayaa in la dhiso xaruntaas oo sanadka danbe ay sidan ka duwanaato, si loo xuso taariikhdii ay lahayd. Dalkan waxyaabaha uu u burburay wax ka mid ahaa cadaalad xumo iyo siyaasad xumo waxaana muhiim ah in ay inaga go’onaato inaanay taariikh xumadaasi mar danbe inagu soo laabaan”. 

Mudane Carte, waxuu mahadnaq iyo salaan u gudbiyay guud ahaan ciidamada qalabka gaar ahaana kuwa Cirka iyo qoysaskooda, isagoo EEBBE uga baryay in sanadkan kiisa kale ku gaaraan barwaaqo iyo nabadgalyo.

Ciidanka Cirka ayaa la aas-aasay 1960-kii iyagoo ka soo qayb-qaatay halgankii iyo horu-markii uu dalkani lahaa, waxaana si gaara loo xusi karaa kaalmadii ay ka gaysteen Fatahaadii dhacay 1962 iyo Abaartii daba-dheer ee 1974-kii. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM