Caruur iyo hooyadood oo walax ku qarxday ugu dhintay DDSI

Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhimatay, afar kale way ku dhaawacmeen markii hub ay kula qaraxday mehrad ku taalla degmada Dhagax-madow oo ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed.

Hooyo iyo afar caruur oo ay dhashay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dadka geeriyooday, halka kuwa dhaawacmay lagu tilmaamay dad ka akdhowaa goobta ay mashaqado ka dhacday.

Walaxda baa’ibisay reerkaan ayaa lasoo wariyay in ay ahayd hadaarida dagaalkii 1977 ee dhexmaray dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Aabaha qoyskaan iyo dhalaan yar oo uu Ubadkiisa kamida ayaa lagu waramayaa in ka badbaaday reerka ay musiibadu ku habsay.

"Dadka dhaawacmay waxaa ku jirta gabar yar, oo qaybaha sare gaar ahaan qoorta ay wax kasoo gaareen, isbitaalka ayaan lagu daaweynayaan," ayuu yiri, Maxamed Salaad, oo dadka degaanka kamid ah.

Maamulka degmada Dhagax-madow ayaa ku tartarsiiyay dadka degaanka ee haysta walaxda lamid ah tan laysay qoyskaan in ay ka fogeeyaan guryahooda.

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa aad ugu badan degaanada ay degto Soomaalida gaar ahaan dhulalka ay ka dhaceen colaaduhu, waxaana lagu dhaliilaa mas'uuliyihiinta in aysan xil iska saarin wax ka qabashada arrinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM