Casharka laga bartay qaraxii lagu weeraray degmada Warta Nabada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxyeelada uu sababay qarax Is-miidaamin oo ay Al-Shabaab ku beegsaday xarunta degmada Warta Nabada ee Muqdisho ayaa sii cagageyneysa shan ruux xili dhaawac uu gaarayo Sagaal.

Sakiya Xuseen, taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya, ayaa shaacisay in gaari NOAH oo lagu soo rakibay walxo qarxa uu abaare 11-kii bariqnimo uu isku qarxiyey iridka xaruntaasi oo burbur uu soo gaarey.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujiyey in waxyeelo daran uu soo gaarey gaadiid kale oo meesha ka akdhowaa. Dhimashada ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto maadaama ay jiraan dhaawacyo halis ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay iyaddu ka dambeysay weerarkaasi.

Dhismaha xarunta Warta Nabadda ayaa aad ugu dhow Madaxtooyadda Soomaaliya oo aad loo ilaaliyo amaankeeda.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira Cali Aadan Warsame, xoghayaha degmada, kaasi oo haatan ku jira mid kamida Isbitaalada caasimada.

Sidda ay sheegeen Goobjoogeyaal, gaariga ayaa beegsaday albaabka labaad ee xarunta degmada, kaasi oo aysan joogin ilaalada.

"Gaariga oo uu waday qof dhalinyaro ah ayaa isaga oo si xowli ah ku socda wuxuu ku dhuftay, waxyar markii uu taagnaa oo dadkii shacabka ay kala carareen ayuu is-qarxiyey," ayuu yiri Aadan Maxamed Cabdi, goobjoogaha u waramay GO.

Albaabka labaad oo dhanka waqooyi ku yaalla ayaa waxaa aagaasi degan dad danyar ah, mana jirin ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaasi ku sugnaa.

Saraakiisha maamulka degmada Warta Nabada oo qirtay in habac-sanaan dhankaasi ka timid ay sababtay qaraxaasi ayaa shaaciyey in ay daruus u noqon doonto.

"Maalmahaanba digniin amni waa ay jirtay, laakiin waxaan filayaa in ay tahay in aan qirano, laakiin cashar ayay noo noqon doontaa, waana adkeyn doonaa amniga dhinacaasi," ayuu sarkaal degmada ka tirsan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gudoomiyaha Wardhiigley, Seynab Maxamuud Warsame, ay xarunta ka baxday daqiiqo kahor inta uusan qaraxu dhicin.

Bishii hore ayay ahayd markii madaxweyne Farmaajo uu booqday xarunta degmada Warta Nabadda, halkaasi oo hadalo uu ka jeediyey uu ugu gudoodiyey in gacan bir ah lagu qadan doono dadka rabshadaha sameeya.

Al-Shabaab ayaa bishii September sanadkii hore 2018 waxa ay sidaan oo kale qaraxyo ugu weerartay xarumaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, halkaasi oo tobanaan ruux ay ku dishay.

Shalay oo Isniin ah ayay ahayd markii Injineer u dhashay Turkiga lagu khaarijiyey qarax loogu rakibay gaarigiisa xili kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ay dusha saaratay mas'uuliyada weerarkaasi.

Caasimada Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waxay wehel u ahayd qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo midkii ugu dambeeyay lagu toogtay Shaqaale ka tirsanaa wasaaarada amniga xukuumada federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM