Cawad oo beeniyey in Abiy uu u kala dab qaadayo Soomaaliya iyo Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ra'iisul wasaaraha Itoobiya uu soo farogeliyey dacwadda badda.

Saxaafadda Kenya ayaa qortey in Abiy Axmed uu Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ku casuumay Addis Ababa si uu ugu kala dab-qaado, inkasta oo aanan la xaqiijin karin hadii ay dalabkaasi ogolaadeen.

Isaga oo u waramayey BBC-da ayuu diblumaasiga ugu sareeya dalka leh xeebta ugu dheer aduunka uu shaaca ka qaadey in xukuumadda ay kaliya ka dhowr-sugeyso go’aanka Maxkamada Cadaaladda Aduunka.

Dabayaaqadda sanadkan 2019 ayaa la filayaa in uu soo baxo xukunka gal-dacwadeedkan xili bisha soo aadan ee September dib loo bilaabayo mid kamid ah dhageysiga ugu dambeeya galkan.

"Wasaaradeyda baa laga sameeyaa warar aanan jirin. Marka ma garanayo si aan ugu jawaabo dad aniga iga xog ogaalsan," ayuu Wasiir Cawad yiri, isagoo raaciyey "Kiiska wuxuu horyaalaa ICJ, iyaddaana go’aamineysa.

Balse wasiirka ma uusan soo hadal-qaadin socdaalka la sheegayo in uu madaxweynaha Soomaaliya ku tegayo Itoobiya halkaasoo la tilmaamayo in ay isku arkayaan dhigiisa Kenya.

Dadweynaha ayuu ku tartarsiisay in aysan u dhag-raacicin sheekooyinka ay baahiyeen illo wareedyadda aanan saxda ahayn kuwaasi oo wasaaradiisa ka sameynaya warbixinada "been abuurka ah".

"Qoraalo aanan jirin baa wasaaradda aan madaxda ka ahay laga sameeyaa oo saxiixeyga la saaraa, marka waa waxba kama jiraan warkan," ayuu hadalkiisa kusii daray wasiir Cawad oo carabka ku adkeynaya.

Dacwadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya oo soo bilaabatay sanadkii 2014-kii ayaa haatan mareysa heer gabagabo ah xili xukuumadda Nairobi ay tan iyo waagaasi xusul-duub ugu jirtay wada xaajood.

Si ay rabitaankeeda u hirgeliso, Kenya ayaa qaadey talaabooyin ay ku cadaadineyso Soomaaliya taasoo ay u muuqato mid ku guuldareystay, isla markaana ay taageero ka raadineyso hay’addo caalami ah.

Wasaaradda Xiriirka Caalamka Soomaaliya ayaa u eedeeyay Kenya in ay meel uga dhacdey derisnimadda markii ay horaantii sanadkan soo musaafurisay mas'uuliyiin Soomaaliyeed ayna xirta sohdinta labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM