Cawad oo daboolka ka qaadey sababta Farmaajo uga baaqday Shirka UN-ka

Image

NEW YORK - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeysay wax laga waydiiyey sababta uu Madaxwayne Farmaajo uga baaqdey sanadkii labaad oo xiriir ah fadhiga loo dhan yahay  ee Qaramada Midoobey.

Sanadkii hore Madaxwaynaha ma uusan xaadirin kulanka guud ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa, xili uu wakiishey Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kaasi oo khudbado ka jeediyey.

Wasiir Cawad oo Soomaaliya ku metalaya sanadkaan, isaga oo wakiil ka ah Madaxwaynah ayaa sheegay in sababta uu Farmaajo kaga baaqdey Fadhiga ay tahay isaga oo "ka horumarinaya arrimo kale oo muhiim ah".

"Madaxwaynaha waxa uu uga baaqdey Fadhiga guud ee Qaramada Midoobey isaga oo ka horumarinaya arrimo oo dalka ka jira, taasina ayaana keentey," ayuu yiri Wasiirka oo VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga u waramey.

Khudbado uu kaga hadli doono xaaladda guud ee dalka dhinacyadda amniga iyo siyaasadda ayuu ku nuux-nuux sadey wasiir Cawad inuu fadhiga ka jeedin ono maalmaha soo socota.

"Dalalka Wasiiradda soo wakiishey kaliya ma ahan wax inaga nagu kooban, waxaase jira kuwa kale, kuwaasi oo soo dirsadey wasiiro arrimo dibadeedyadooda," ayuu raaciyey Wasiirka, kaasi oo aanan meesha ka saarin inay dhib udhici karto khudbadiisa.

Warar lagu kalsoon yahay oo warsidaha GO ka heley diplomaasiyiin ku sugan dalka Kenya ayaa shegaya in Madaxweyne Farmaajo ay baajisay wasarada arimaha dibada dalka Mareykanka kuwasoo u sheegey in mushkiladaha dalkiisa ka jira iska xaliyo kuwasoo ugu weyn yihiin xalaada amniga iyo khilaafka u dhexeeya maamulada iyo DF Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa siyaasadiisa arimaha gudaha iyo dibada waxaa si dadban ugu leh wadamada gacanta ka siiya maaliyada iyo arimaha amniga gaar ahaan la dagaalanka kooxaha argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM