Cawad oo ka hadlay Kiiska Dool oo Weji Gabax ku keenay dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay idaacadda VOA Somali inaan shaqada laga cayrin Cabdullaahi Dool oo ka tirsanaa shaqaalaha xafiiskiisa balse la beddelay dhowr sababood dartood.

Wasiirka ayaa sheegay inay sababahaas ka mid yihiin inuu muddo saddex bilood ah ka maqnaa shaqada oggolaansho la'aan iyo farriimo uu ku qoray twitter-ka, oo wasiirku sheegay inay weji gabax ku ridday wasaaradda.

Warsidaha Garowe Online ayaa 31-kii March soo qoray [Halkan ka akhri] in Cabdullaahi Dool uu bartiisa twitter-ka ku qoray farriin uu ku taageerayo in Soomaaliya xiriir diblomaasi la yeelato Israel, sidaasna shaqada looga eryey.

Safiirka Soomaaliya ee Geneva, Faaduma Cabdullaahi ayaa dhowaan ka aamustay qaraar golaha xuququda aadanaha ee QM uu ku cambaareeyey aqoonsiga madaxweyne Donald Trump uu dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul Israel, taasi oo keentay in safiirka looga yeero Muqdisho.

Wasaaradda arrrimaha dibedda ee Soomaaliya, ayaa markaas kadib bayaan ku sheegtay inay mowqifkeeda rasmi ah ee buuralayda Golan Heights uu yahay in dhulkaasi ay leedahay Syria, isla markaana ay si aan sharci ahayn ku haysato dawladda Israel.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM