Cawad oo ku wajahan Sudan iyo ujeedka safarkiisa oo la ogaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa safar uu ku tegi doona maalmaha soo socda Sudan, gaar ahaan magaaladda caasimadda ah ee Khartuum, sida laga soo xigtay illo xog ogaal ah.

Ujeedka safarka wasiirka ayaa la fahansan yahay inuu salka ku hayo ka qaybgalka shir ay yeelanayaan Wasiiro Arrima Dibadeedyadda dalalka Jamaacadda Carabta, kaasoo dhowaan ka dhici doona halkaas.

Shirkaan oo noqonaya midkii 150-aad ee Ururkaan ay yeeshaan dalalka xubinta ka ah Wasiiradooda Arrimaha Dibada ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladda Soomaaliya, iyo sidii kaalmo dhaqaalo loogu fidin lahaa.

Sida laga soo xigtay qaban-qaabiyaasha kulanka, ajandayaasha ugu muhiimsan ee kulanka lagu gorfaynayo ayaa kala ah; Amniga, doorashooyinka 2020 ee dalka, Sal dhigidda Dastuurka, Nidaamka Xisbiyada Siyaasadda, Kobaca Dhaqaalaha iyo dib u qaabeynta Ciidamada Soomaalida.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qodobadda shirka laysla soo qaadi doono ay qayb ka noqoneyso codsi ay gudbisay dowladda Soomaaliya oo ah inay la wareegto Shir gudoonka Gollaha iyo sanadka 2019-ka shir Jamaacadda Carabta lagu qabto magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Soomaaliya oo kamid ahayd aas-aasayaasha Urur Jamaacadda Carabta, Woqoyga Afrika iyo kuwa kale oo Carbeed ayaa dalkeena waxaa lagu sheegaa inuu yahay midka kaliya ee Afrikaan rasmi ah, kaasoo Urur goboleedkaan xubin buuxda ka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM