Cawad oo wadahadal telefoonka ah la yeeshay dhigiisa Pakistan

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Wasiiradda arrimaha dibadda wadamada Soomaaliya iyo Pakistan ayaa yeeshay wadahadalo dhanka telefoonka ah, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Sidda ku xusan warbixinta laga sii daayey Radio Pakistan, Axmed Ciise Cawad iyo Shah Mahmood Qureshi ayaa kawada hadlay siddii lagu xoojin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah.

Qureshi ayaa la xusay in uu bogaadiyey taageerada ay Soomaaliya u hayso siyaasada Pakistan ee ku wajahan qaaradda Afrika.

Ma aanan lasoo bandhigin waqtiga ay diblumaasiyiintu yeesheen wadaxaajoodkaas isgaarsiinta ah, kaasoo aan la ogayn ujeedka ka dambeysa.

Soomaaliya iyo Pakistan ayaa la tilmaamay in ay leeyihiin cilaaqaad soo jireen oo dhanka iskaashiga danaha ay wadaagaan ah.

Horaantii bishaan Maaj, xukuumadda Islamabad ayaa miiska soo saartay codsi ku saabsan in ay tababar siiso Ciidamadda Cirka Soomaaliya oo dib-u-habeyn baaxad leh u baahan.

Codsigaas ayaa yimid ka gedaal markii ay Islamabad ku kulmeen Taliyeyaasha Ciidamadda Cirka labada waddan oo isla meeldhigay siddii ay sarre ugu qaadi lahaayeen iskaashiga ka dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM