CC Shakuur: Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxay isku dayeen inay i dilaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu ka dambeeyay weerarkii gurigiisa lagu qaaday 18-kii bishan, kaasi oo uu sheegay in lala damacsanaa in isaga lagu dilo.

Siyaasigan oo Khamiistii lasoo dhaafay laga sii daayay xabsiga dowladda, ayaa dusha uga tuurey mas'uuliyadda xarigiisa iyo duulaankii lagu qaaday Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarka oo socday mudo 30 daqiiqo ayuu sheegay in ka qeyb qaateen 5 Askar oo la socday ciidamada NISA, kuwaasi oo si gaar ah loogu xilsaarey inay isaga dilaan, markii ay laayaan Askarta ilaalada u ahayd.

CC Shakuur ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo, Agaasiimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin iyo Ra'iisul wasaare Khayre ay daqiiqad-daqiiqad ay qadka taleefonka ugala socdeen howlgalka ka socday gurigiisa.

"Farmaajo, Khayre iyo Fahad Yaasin waxa kuwada jireen Raadiyaasha ciidanka waxayna si toos ah ugala socdeen weerarka la igu soo qaadey ee la doonayay in lagu qaarijiyo," ayuu yiri Cabdiraxmaan C/shakuur.

Siyaasigan ayaa shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay in wixii soo gaara hadda kadib loo haysto Madaxweyne Farmaajo iyo Agaasiimaha Villa Soomaaliya Fahad Yaasin, oo xiriir dhaw la leh Qadar.

Wuxuu tilmaamay in markii uu dhibka ku dhacay aysan saddexda mas'uul wax dareen ah ka muujin, balse taasi bedelkeeda ay caga-jugleyn ku hayaan Garsoorkii xukumay in CC Shakuur uu yahay demi la'aanta iyo sii deyntiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhanka kale sheegay inuu maxkamad caalami ah la tiigsanayo Farmaajo, Fahad iyo Khayre duulaankii gardarada ahaa ee ay ku qaadeen gurigiisa, kaasi oo isaga lagu dhaawacay, sidoo kalena lagu dilay 6 kamid ahaa ciidankiisa ilaalad u ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM

Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 09:23AM