CC Shakuur: Farmaajo tanaasulka ayuu daciifnimo u qaatay, waana nacasnimo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Muqdisho dib ugu soo laabtay maanta oo Isniin ahayd ayaa si adag wuxuu udhaliilay Madaxwayne Farmaajo, kaasi oo haatan wajahaya Mooshin xilka qaadis ah.

Ugu horeyntii, Warsame oo dul-istaagay soojeedinta Mudanayaal in ka badan 92 ayaa ku tartarsiiyay Madaxwaynaha inuu hortago Gollaha, si ay cod ugu qaadaan Sharci-dejiyaasha labada Golle ee Baarlamaanka.

“Madaxwaynaha waa uu eedaysan yahay, waxaana baaqa ugu horeeya ee aan u dirayo ay tahay inay ku kala baxaan sharciga, isaga iyo Xilldhibaanada,” ayuu Gudoomiyaha xisbiga Wadajir ka sheegay Fagaaro lagu dhaweeyay.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayuu ku bogaadiyay talaabada uu ku goostay inuu qabto Mooshinka xilka qaadista, inkasta oo ku xigeenadiisa ay kasoo horjeesteen.

“Hadii aan nahay xisbiga Wadajir waanu taageersan nahay Xilldhibaanada Mooshinka gudbiyay…Gudoomiyaha waxaanu leenahay sharciga ku taagnow, inaga oo aan lacag soo qaadan, ayaa garab-bahaaga taagan,” ayuu raaciyay.

Bishii December 2017, nabad sugida Soomaaliya ayaa weerartay Guriga uu siyaasigaan ka degan yahay Muqdisho, taasi oo dhalisay iska hor-imaad ilaalada iyo xoogaga dowlada dhex-martay, ayna ku dhinteen ciidamo.

Warsame oo soo hadal-qaaday, wuxuu ku eedeeyay Madaxwayne Farmaajo, isaga oo ku eedeeyay dowladiisa inay isku dayso caburinta siyaasiyiinta kasoo horjeeda iyo wariyaasha ka howlgasha magaalada caasimada ah.

“Madaxwayne Farmaajo waa inuu xishoodaa, xabad laysku ridaayo iyo qori laysku qaato, waa ayaan-darro,” ayuu Siyaasiga hadalkiisa dabadhigay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa codkiisa ku xoojiyay olalaha metalaad loogu raadinayo magaalada Muqdisho iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo colaad ka dhex-qarxday.

“Malaha madaxwaynaha wuxuu is-dhahay, Jawaari ayaa utanaasulay, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horey utanaasulay, wuxuu uqaatay tanaasulka ayaa daciifnimo ah, ninka tanaasul daciifnimo uqaatay waa nacas,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Ugu dambeyntii, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku tilmaamay Madaxwaynaha mid ka tegay Soomaalinimadda, isaga oo tusaale ahaan usoo qaatay dhiibista Qalbi Dhagax, hareer-marida Jabuuti iyo Dhaqaalo ka jirista Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM