CC Shakuur: Lacag laga keenay Qadar ayaa loo qeybinayaa Xildhibaanada
MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame, ayaa sheegay in lacag laga keenay dalka Qadar loo qeybinayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigay Boggiisa Facebook, ayuu ku sheegay CC Shakuur in $1645,000 (Hal malyan lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo dollar) la keenay dalka kadib booqashadii Farmaajo ee Doha.
"Booqashadii Dooxa ka dib waxaa xildhibaanada loo qaybiyey lacag gaaraysa $1645,000 (Hal malyan lix boqol iyo afartan iyo shan kun oo dollar)," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame.
Waxa uu intaasi raaciyay in Lacagtaas mushaar loogu tala-galay Xildhibaanada, taasi oo aan lasoo marin shuruucda maaliyadeed ee dalka, kadibna si kaash ahaan loogu qaybiyey Xildhibaanada Baarlamaanka.
"Waa masuuliyad daro tii ugu wayneed in dalka oo fatahaad iyo colaad ku jira hantida qaranka lagu takrifalo, iyadoo uu ujeedku yahay af wax cunay ka xishoodsii oo yaanan la isla xisaabtamin," ayuu yiri CC Shakuur.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Cabdiraxmaan ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya aysan wali bixin Halkii Milyan ee ugu deeqday fatahaadda gobolka Hiiraan, sidoo kalena aysan waxba ka qaban burburkii Muqdisho ay gaarsiiyeen Roobabka ka da'aya.
"Weli cabashadii dawlad Goboleedyada ee balanqaadkii dhinaca amniga iyo kaalmo la’aan dhaqaale waa sidiisii, weli colaadda sokeeye ee Puntland iyo Somaliland cidna deminteeda looma dirin," ayuu yiri CC Shakuur.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa musharaxiintii la tartamay Farmaajo doorashadii madaxtinimada 8-dii Febuary ee 2017, ayaa dhawaan dalka kasoo baxay kadib markii laga qaaday xayiraadii dhinaca safarka.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa CC Shakuur xabsiga dhigtay bishii December ee 2017 kadib markii looga shakiyay inuu maleegayay qirshool xilka looga tuurayo Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa labo jeer booqday Qadar tan iyo sanadkii tagey, iyadoo booqashadii ugu dambeysay oo dhacday 14-kii bishan ay kusoo beegantay xilli dowladdiisa xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka gaarey heerkii ugu hooseysay.
GAROWE ONLINE