CCW: Daneyn la'aanta Shiinaha ee Soomaaliya, xagooda mise xaggeenaa?

Image
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa su'aal ka keenay lacagta uu Shiinaha ugu deeqay Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa su'aal ka keenay cadadka dhaqaalaha uu Shiinaha ugu deeqay Soomaaliya kadib kulankii ka dhacay magaalada Beijing.

Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa tibaaxay in lacagtan ay ka hooseyso intii uu Shiinaha siin jiray Soomaaliya mudadii ay talada dalka haysay dowladdii kacaanka.

Sharci-dejiyaha ayaa waxa uu is-waydiiyay haddii talaabadan ay muujineyso daneyn la'aan xagga Shiinaha ka imaanaysa iyo haddii ay tahay daneyn la'aan dhanka Soomaaliya ka imaanaysa.

"Dalka Shiinaha lixdameeyadii oo uu Soomaaliya kula beratamayey Midowgii Soofiyeedka wuxuu dalkeena u soo magacowday Zhang Yueh oo ka mid ahaa khubarada dunida Carabta iyo Afrika," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyay hadalkiisa: "Safaaradooda Muqdisho waxay ahayd xarunta ugu wayn ee Afrika, waxaana xiligaa ka shaqaynayey 230 qof oo isugu jira diblomaasiyiin iyo shaqaale. Inkasta uu dhaqaalaha Shiinuhu gaarsiisnayn sida uu maanta yahay, haddana Soomaaliya wuxuu siin jiray kaalmada horumarin ee Afrika ugu badan".

"Maanta oo uu Shiinaha loollan kula jira Ameerika sidii uma muuqdo oo waa kaa labaatan iyo dhowr milyan ka hadlaya. Haddaba su’aashu waxay tahay, danayn la’aantu ma xaggeenaa mise waa xagooda?," ayuu kusoo xiray hadalka.

Shiinaha ayaa shalay waxa uu ku dhawaaqay inuu Soomaaliya ugu deeqay $28 milyan doolarka Mareykanka ah taas oo la sheegay in wax looga qaban doono barnaamijyadda ahmiyada koowaad u leh dowladda.

 GAROWE ONLINE

Related Articles

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM

Saxiimad lagu burburiyey meel u dhow xeebaha Eyl—afar qof oo la sheegay inay dhinteen

Wararka qaarkood waxay sheegayaan in saxiimaddu ku sii jeedday markabka MV Sward…

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 04:16PM