CIA oo Xasan Sheekh soo gaarsiisey dhambaal ka dhan ah Eritrea

Image
Agaasimaha hay'adda sirdoonka dibada Mareykanka ayaa asbuucii hore Muqdisho kusoo gaarey socdaal qarsoodi ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA, William Burns, ayaa todobaadkii hore waxa uu booqasho aan lasii shaacin uu kusoo gaarey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Burns oo safarkan uu u ahaa socdaalkii labaad sanadkan gudahiisa ayaa la kulmay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in wadahadalada ay diirada saareen dhinacyada ammaanka, la dagaalanka argagixisada iyo kor-u-qaadida dadaalada xasiloonida ee Geeska Afrika.

Dhanka kale, illo wareedyo aad loogu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in dhinacyada ay kawada xaajoodeen khatarta ka imaanaysa kooxda Yemen ee Xuutiyiinta.

"Wuxuu agaasimaha CIA uu Xasan Sheekh la wadaagay in ay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah ISIL ay ka bilaabayaan degaanada Puntland si aysan kooxda isugu sii fidin dhul kale," ayay Garowe Online u sheegeen Illo wareedyo xog ogaal ah.

Xogta ayaa intaas waxay ku daraysaa in Burns uu Xasan Sheekh la wadaagay fariin uu kawaday dowladda Mareykanka oo la xiriirta heshiiskii saddex geesoodka ee lagu gaarey Asmara.

“Burns wuxuu muddooyinkan dambe uruurinayay macluumaad la xiriira heshiiskii saddex geesoodka Asmara wuxuuna Soomaaliya soo gaarsiiyay mowqifka Mareykanka,” ayuu yiri qof si dhow ula socday wadaxaajoodyadda.

Burns ayaa wuxuu noqdey sarkaalkii saddexaad oo madax ka ah hay’adaha basaaska saddex kamid ah dalalka caalamka ee Soomaaliya soo gaarey tan iyo markii uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu laabtey Madaxtooyada Qaranka.

Horey waxaan u yimid agaasimaha hay’adda mukhaabaraadka Turkiga iyo madaxa hay’adda sirdoonka Kenya, kuwaas oo shirar illaa haatan aanan wax fahfaahin ah laga helin la qaatay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Falanqeeyeyaasha dhanka ammaanka ayaa xaaladan oo kale waxay ku macneeyeen in ay jirto halis weyn oo u baahan xal degdeg ah taasoo dowladda madaxda ay dadweynaha uga qarinayaan is aysan fashil ugu noqon.

"Shaki la'aan Burns wuxuu soo gudbiyay fariinta Mareykanka oo ah in Soomaaliya ay u baahan tahay in aysan ku tarax-tagin Eritrea maadaama ay soo dhex-mari karaan Ruushka iyo Shiinaha," ayuu yiri mid kamid ah falanqeeyeyaasha.

Sikastaba ha ahaatee, caqabadaha ugu waaweyn ee haatan ku hor-gudban Soomaaliya waxaa kamid ah la dagaalanka Al-Shabaab, kala wareega dhanka ammaanka iyo bixitaanka howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

ISIL-Somalia oo hogaamiye cusub xilli Cabdiqaadir Muumin la dalacsiiyay

Kooxda xagjirka ah ayaa waxay si dhuumaaleysi ah uga howlgashaa qeybo kamid ah Puntland.

  • Soomaliya

    22-11-2024

  • 06:53AM

Ammaanka iyo bilicda magaalada Gaalkacyo oo shir laga yeeshay

Shirkan waxaa guddoomiyey Duqa Degmada Gaalkacyo Mr Maxamed Cabdirisaaq Daacad.

  • Soomaliya

    20-11-2024

  • 07:45AM