Ciidamada AMISOM oo lagu amray inay la howlgalaan kuwa DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Lt. Gen. Jim Owoyesigire, ayaa ku amaray dhammaan ciidammada ku sugan dalkan ay colaadda burburisay inay fuliyaan howlgallada joogtada ah ee sida wadajir ah ula fuliyaan Ciidamada xoogga dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

"Taliyaha Ciidanku wuxuu u xilsaaray ciidamada AMISOM inay xoojiyaan tababarka iyo la-talinta SNA iyadoo loo marayo qorsheyn wadajir ah, wada-shaqeyn iyo fulin hawleed oo la raacayo qorshaha kala-guurka AMISOM," ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen saraakiisha AMISOM.

Owoyesigire, oo ah taliyihii hore ee ciidamada Cirka ee dalka Uganda [UPDF], ayaa hadalkan ka sheegay shalay khudbad uu u jeedinay qeyb kamid ah ciidamada AMISOM oo ku sugan magaalada Johwar.

Taliyaha AMISOM wuxuu sidoo kale bilaabay qiimeynta amniga ee dhammaan saldhigyada howlgallada Ciidamada, si looga wada hadlo qorshooyinka istiraatiijiga ah ee loo dajiyay dib-u-dhiska Soomaaliya.

Xaqiijinta amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, ee sahayda u marto AMISOM, ayaa si gaar ah Taliyaha ugu amray Ciidamada AMISOM inay ka shaqeeyaan.

Taliyaha AMISOM ayaa sheegay in howlgal wadajir ah oo lala sameeyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay hagaajin doonto nabadda, ammaanka iyo sidoo kale qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed oo u baahan xirfadaha lagama maarmaanka u ah soo celinta xasilloonida dalka.

"Owoyesigire waxa kale oo uu ku booriyay ciidamada in ay xoojiyaan xiriirka bulshada iyadoo lala kaashanayo maamul goboleedyada iyo in la fuliyo mashaariicda saameynta deg dega ah leh si loo xaliyo caqabadaha bulshada ee dhanka dhismooyinka," sidaasi waxaa sheegay mas'uuliyiinta AMISOM.

Owoyesigire ayaa sidoo kale wadahadal la yeeshay Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo ay ku kulmeen magaalada Jowhar, ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

"Wadahadaladu waxay diiradda saarayaan xaaladda ammaanka ee gobolka," ayay saraakiisha AMISOM ku sheegeen War Saxaafadeedka.

Owoyesigire ayaa sidoo kale qiimeeyey ciidamada ku sugan saldhigyada howgalka ee Baydhabo, Beledweyne iyo Beled-doogle.

Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa bishii July ee sanadkan kordhiyay mudada howlgalka AMISOM oo la qorsheeyay in si tartiib tartiib ah oo shuruud ku xiran uga baxaan dalka sanadka 2020.

Waxaa Soomaaliya ku sugan in ka badan 21,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM, iyadoo Uganda ay qaybta ugu badan ugu yaboohday howlgalkan oo soo socday tan iyo 2007.

Dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya iyo Burundi ayaa sidoo kale kamid ah kuwa ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo Askar badan ku waayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM