Soomaaliya: Ciidanka Badda oo dabaal degaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabtid ah [10-ka Febuary] u dabaal degaya sanad guuradii 53-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskooda.

Waxaa la adkeeyay amaanka magaalada Muqdisho, gaar ahaan saldhiga ciidamadada Badda ay degan yihiin halkaasi oo uu ka socda dabaal degga, iyadoo ay ka qeyb-galayaan mas'uuliyiin sare oo katirsan labada golle ee dowladda Federaal Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa hambalyo ku aadan munaasabada u diray taliyaash ciidamada badda iyo ku xigeenadooda.

Ciidamada badda oo la aas-aasey Febuary 2, 1953-dii ayaa ku bur buray dagaalkii Sokeeye ee dalka, kaasi oo meesha ka saarey hay'adihii dowliga iyadoo 25 sano ee lasoo dhaafay aaney jirin ciidan badeed oo difaaca xeebaha dalka Soomaaliya.

Waxay qeyb ka yihiin hay'adaha ugu muhiim dalka kuwaasi oo hadda ku jira dib usoo kabasho iyo aas-aas cusub, inkastoo aysan jirin ifafaallo ku aadan inay ciidamada badda hanan karaan ilaalinta guud ahaan xeebta dheer ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM