Ciidamada dalka Mareykanka oo sheegtay weerarkii Awdheegle

Image

WASHINGTON DC — Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadiisa iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay weerareen saldhig Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose. 

Sarkaal Mareykan ah ayaa VOA u xaqiijiyey in howlgalkan oo xalay dhacay uu ahaa howl-gal lagu beegsanayey Al-Shabaab oo Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay iska kaashadeen.

Hase yeeshee saraakiisha Maraykanku waxay beeniyeen inay la kulmeen wax dagaal ah weerarkaasi intii uu socday. 

Saraakiisha Pentagon-ka ayaa sheegay in inkastoo la adeegsaday helikobatarrada Maraykanka haddana inaysan ciidankoodu aysan wada gaadhin meesha bartilmaameedkoodu ahaa. 

Waxay saraakiiisha Maraykanku sheegeen in hawlgalku uu ahaa mid ay leeyihiin ciidamada Soomaalida doorkooduna uu ku ekaa mid talosiin ah.

"Waxaa wadnaa hawlgal aan ku taageerayno sida aad la socoto AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan Al-Shabab. Waxaa Soomaaliya naga jooga ciidan tiro yar oo shaqadaas qabta, waxaana hawshaas ka mid ah in mararka qaarkood la wada sameeyo hawlgallo taas kaabaya," sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah saraakiisha Pentagon-ka.  

Maxamed Aweys Abuukar oo ah guddoomiyaha dowladda Soomaaliya ugu magacaaban Awdheegle ayaa sheegay in diyaarado qumaatiga ukaca ay qiyaastii 60 illaa 70 askar ay ku daadayeen deegaanka. 

Waxa uu sheegay in ciidamadaas ay weeraren saddex saldhig oo ku yaalla magaalada, ayna khasaare xooggan gaarsiiyeen mintidiinta. Al-Shabaab ayaa sheegtay in hal dagaalyahan looga dilay weerarka, balse ay iska caabiyeen oo ay fashiliyeen.

Weerarkaan ayaa imaanayaa maalmo kadib markii Dowlada Mareykanka sheegtey in weerar ay ku qaadey xero ciidamada Al shabaab lagu tababarayey ku Eileen 150 kamid ah dagaalyahaniintooda.

VOA +. GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM