Ciidamada Danab oo xarun looga hirgelinayo magaalada Jowhar

Image
Wakiilo ka socday safaaradda Mareykanka ayaa goobjoog ka ahaa wareejinta dhulkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta booqday Taliska Qeybta 5-aad xarunta howgalka kumeel-gaarka ah ee Midoowga Afrika (ATMIS) si ay uga wada hadlaan iskaashiga amni ee u dhaxeeyo Hirshabeelle iyo ATMIS.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay wakiilo ka socday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya taas Jowhar ka hirgelineyso xarun ay leeyihiin ciidamada Danab.

“Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan Hirshabeelle waxa ay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhammeystirayo Khawaarijta waxaana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa u diyaar-garoobayo hoggaaminta wejiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta.

GAROW EONLINE

 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM