Ciidamada DF iyo Nin hubeysan oo dagaal ku dhexmaray Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo nin hubeysan, oo loo maleynayo inuu katirsan yahay Al-Shabaab ayaa dagaal kooban ku dhex-maray Muqdisho xalay fiidkii.

Ninkan oo ku hubeysanaa bambaanooyin iyo Bastoolad ayaa la sheegay inuu galay guri ku yaalla Xaafadda Cali Kamiin, ee degmada Wardhigleey, halkaasi oo ay ku hareereeyeen ciidamada amniga, oo saacado kadib u suurta-gashay inay isagoo nool qabtaan.

Sarkaal u hadlay booliska ayaa xaqiijiyay soo qabashada ninkan, oo la sheegay in bam gacmeed ku weeraray markii hore bar-koontarool oo booliska ku leeyahay xaafadda Furiyaasha, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaarey askarta.

Amniga Muqdisho ayaa faraha kasii baxayay mudooyinkii dambe, iyadoo Al-Shabaab weeraro qaraxyo ka fulisay xaruumo muhiim ah oo dowladda ay leedahay iyo Huteello ku yaalla nawaaxiga Madaxtooyadda Villa Somalia.

Falalkan amni darro ayaa dhacaya xilli ay dowladda xirtay inta badan waodoyinka caasimadda, oo jid-caddayaasha ku goysay dhagaxaan, taasoo keentay inuu adkaado isku socodka dadweynaha.

Dadka aqoonta u leh arrimaha amniga ayaa aaminsan in Muqdisho aan la xasilin karin iyadoo Al-Shabaab ku xoog badan tahay wali gobollada deriska la ah, sida Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, oo la rumeysan yahay inay weerarada kasoo abaabusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM