Ciidamada DF oo dib ula wareegay magaalo muhiim ah

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya AMISOM ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta degaanka Goofgaduud, oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in dagaal la'aan kula wareegeen Tuuladda, kadib markii xoogaga Al Shabaab halkaasi isaga baxeen, iyagoo aan muujin wax iska-caabin ah, maadaama ay saaka soo galeen, oo haddana dib ula baxeen.

Goofguduud Buureey waxay qiyaastii 30-KM waqooyiga uga beegan tahay magaalada Baydhabo, iyadoo dhancda dhinaca wadada aada degmada Waajid, ee isla gobolka Baay, oo intiisa badan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay maamulaan.

Kooxda Al Shabaab ayaa kadib markii laga saarey degmooyinka gobollada Baay iyo Bakool afar sano kahor ayaa maamusha degaanno muhiim ah, oo ka go'doomisay goobaha ay ciidamada dowladda gacanta ku hayaan.

Baydhabo oo xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa degaanada ku dhaw dhowr jeer soo weeraray islamarkaana la wareegay dagaalyahanada Al Shabaab, kuwaasoo isku dayaya inay muujiyaan cududooda miliatary.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM