Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dagaallamay gobolka Shabeelaha dhexe

Image

22 December, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM iyo ururka Al-Shabaab.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhacay, waxaa dhintay sida la xaqiijiyay 5 kamid ah Shabaab, halka tiro kale ku dhaawacmeen dagaalka oo ka dhacay deegaanka Aw-Dheegle.

Afhayeenka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Xuseen Shiino ayaa saxaafada u xaqiijiyay in ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM in ay  dib uga qabsadeen deegaankaas oo gacanta ugu jiray kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda ayuu sheegay inay ka dhinteen labo askari, mid kale dhaawac soo gaaray, wuxuuna xusay inay sii wadi doonaan hawlgalka Shabaab looga soo horjeedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM