Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dagaallamay gobolka Shabeelaha dhexe

Image

22 December, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM iyo ururka Al-Shabaab.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhacay, waxaa dhintay sida la xaqiijiyay 5 kamid ah Shabaab, halka tiro kale ku dhaawacmeen dagaalka oo ka dhacay deegaanka Aw-Dheegle.

Afhayeenka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Xuseen Shiino ayaa saxaafada u xaqiijiyay in ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM in ay  dib uga qabsadeen deegaankaas oo gacanta ugu jiray kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda ayuu sheegay inay ka dhinteen labo askari, mid kale dhaawac soo gaaray, wuxuuna xusay inay sii wadi doonaan hawlgalka Shabaab looga soo horjeedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM