Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay deegaano katirsan Jubbada hoose

Image

23 December, 2015(GO)-Dagaallo qaraar oo dhexmaray ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa u suurto gashay inay la wareegaan deegaano katirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa la wareegay deegaan lagu magacaabo Beerxaani oo ilaa 80km dhinaca Galbeed kaxiga magalada Kismayo xarunta gobolkaasi.

Lama sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka labada dhinac balse goob joogayaal ku sugan deegaankas ayaa warbaahinta u xaqiijiyay la wareegitaanka ciidanka dowladda Somalia.

Goob joogayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dhimasho iyo dhaawac balse aysan hayn xaqiiqada.

Ciidamada ayaa sidoo kale weerar ka gaystay deegaan lagu magacaabo Quddus oo isla gobolka katirsan, waxayna fariisin u ahaayeen mallayshiyaad katirsan ururka Al-Shabaab.

Dowladda Somalia oo kaashanaysa ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa wada dagaallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, waxayna gacanta ku dhigtay deegaano ka tirsan dhawr gobolka oo gacanta ugu jira ururkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM