Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Diyaarad Drone ah oo ay AS leedahay

Image
Diyaaradan ayaa la wariyay in ay dul haabeysay magaalada Dhuusamareeb labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Dhuusamareeb, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaan oo la sheegay in ay basaaseysay fariisimo ay Ciidamada dowladda ku sugnaayeen oo ku yaalo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Diyaaradan ayaa la wariyay in ay dul haabeysay magaalada Dhuusamareeb labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana ku raad joogay ciidaada amaanka oo markii dambe u guuleystay inay gacanta ku dhigaan.

Waxaa la rumeysan yahay in kooxda AS ay leedahay diyaaraddan, iyadoo dhowaan ay u suuragashay inay la wareegeen diyaarado ay leeyihiin hay’ado caalami ah iyo kuwoo ay ka furteen ciidamada dowladda.

Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa xili Ciidamada dowladda ay xoojiyeen dagaalka lagula jiro kooxda AS, kaas oo inta badan ka socda gobollada dhaxe iyo jubbooyinka.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dhawaan sheegay in dowladda ay bilaabi doonto Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda AS.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM