Ciidamada Dowladda oo horjooge ka tirsan AS ku diley gobolka Baay

Image
Howlgalkan ayaa hub looga furtay kooxda AS.

Bardaale, Soomaaliya - Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen tuulooyinka hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay ku dilay hoorjoogihii kooxda AS u qaabilsanaa lacagaha ay kooxdu ka aruuriso dadka degmadaas.

Yuusuf Maxamed Macalin Taliyaha Daraawiishta KGS ee degmada Bardaale oo warbaahinta la hadlay ayaa horjaagahaas magaciisa ku soo koobay Bishaar, wuxuuna intaasi ku daray in uu dhibaato badan ku hayay dadka shacabka ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in howlgalkaas ay ku soo furteen hub ay ka carareen kooxda AS, haatanna ay firxadkooda ku raad joogaan.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa xoojiyay howlgalka a dhan meleeshiyaadka kooxda AS ee ku sugan maamulka Koonfur Galbeed, xilli ay wararku sheegayaan in Dowladda Federaalka ay dib u sii wadi doonto Wajiga 2-aad ee dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM