Ciidamada dowladda oo ku dagaallamay Baraawe Shabeellaha Hoose

Image

03 January, 2016(GO)-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan degmada Baraawe ee dhacda xeebta ayaa sheegay inay ku dagaallameen ciidamo katirsan dowladda Somalia, waxaana jira khasaaro kala duwan oo soo gaaray shacab iyo ciidanka.

Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay toban kalena waa dhaawacmeen kadib dagaal xooggan oo dhexmaray ciidanka dowladda sida ay xaqiijiyeen maamulka gobolkaas oo aan caddayn sababta labada ciidan isu dagaalleen.

Dadka dhintay ayaa dhammaantooda katirsan ciidanka dowladda ee dagaallamay.

Dagaalka ayaa saameeyay dhaqdhaqaaqa magalada, waxaana dadka deegaanku sheegayaan inay waxyeello ka soo gaartay shacab ay saameeysay xabado habow ah.

Qoryaha noocyadooda kala duwan ayay isweydaarsadeen ciidanku, waxayna ku soo beegantay xilli dabayaaqadii sannadkii tagay laga xoreeyay ururka Al-Shabaab oo mudda gacanta ku hayay.

Arrinta weli kama hadlin dowladda Somalia, balse waxaa lagu soo waramayaa in xaaladdu sidii hore dhaanto, waxayna Baraawe fariisin u ahayd ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM