Ciidanka Kenya oo Shacab ku laayey gobolka Gedo

Image

GARBAHAAREY - Ciidamada difaaca dalka Kenya [KDF], ayaa lagu eedeeyay inay saddex qof oo hal qoys kasoo wada jeeda inay ku dileen gobolka Gedo, ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Qof kamid ah dadka ku nool Birmiil, oo ku dhaw Geriley ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in KDF ay dileen 3 wiil oo walaalo ah kadib markii qarax miino lagu eegtay meel ku dhaw Tuuladda.

Ciidamada Kenya oo watay gaari ayaa la kulmay qarax wadada loogu aasay, iyagoo kadib galey Tuuladda Birmiil, halkaasoo ay ku toogteen saddexda wiil ee isku reerka ah.

Afar qof oo kale oo shacabka degaanka kamid ah ayay ciidamada Kenya dhaawaceen, kuwaasoo xaaladooda caafimaad laga so deyrinayo, iyagoo heysan daryeel caafimaad.

Falkan ayaa dadka degaanka waxay ku tilmaameen mid arxan darro ah, oo lagu beegsan dad shacab ah, oo aan waxba galabsan, islamarkaana guryahooda nabad ku joogey.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay ciidamada Kenya iyo saraakiisha maamulka gobolka Gedo, oo ku aadan dhacdadan shacabka lagu laayay, taasoo aad looga argagaxay.

Ciidamada Kenya oo dalka soo galay bartamihii 2011 ayaa waxay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, oo Qaramada Midoobey taageerto.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo iyada dalka mas'uul ka ah ayaanan ka hadlin inta badan falalka xasuuqa ah ee ciidamada shisheeye u geysanayaan shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM

Gudoomiyah Baydhabo oo lagu soo rogay Xabsi Guri xili xiisad ka jirto Koonfur Galbeed

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dowladda faahfaahin dheeraad ah ka bixiso xaaladda sharciga ah ee guddoomiye Watiin.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 01:27PM