Ciidamada Kenya oo weerar ku qaadaya ururka al-shabaab

Image

Jan 16, 2015 (GO)- Kadib markii maalintii shaley 15 January,2015 ciidamada Al-shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen xero ciidamada dalka Kenya ku lahaayeen halka la yiraahdo Ceelcade, waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada dalkaas isu diyaarinayaan weerar argoosi ah oo ay ku qadaan goobahey ku dhuumaaleystaan xoogaga ururkaan.

Ururka Al-shabaab oo weerarkaan u adeegsadey qaraxyo iyo dagaal ay ku qaadeen afaafka hore ee xeredaas ku taal xadka Kenya la wadaagto Somalia "Gobolka Gedo" ayaa warar aan la xaqiijin sheegayaan in halkaas ku dileen 63 askari halka ay maxaabiis kaxeysteen ana tiradooda la aqoon.

Dagaalkaan oo bilowdey 4am subaxnimadii Jimacaha ayaa socdey maalintii oo dhan iyadoo markii dambe ururka Al-shabaab u suurtagashey iney xeradaas qansadaan kana taagaan calankooda.

Madaxweynaha Kenya oo weerarkaan xaqiijiyey inuu jiro ayaa ka gaabsadey inuu sheego tirada rasmiga ah ee askartiisa lagu diley halkaas balse afhayeenka u hadlay ururka al-shabaab ayaa sheegey in 63 askaro oo Kenya "KDF" weerarkaas ku dileen.

Ciidamada Kenya ayaa wararku sheegayaan iney isu diyaarinayaan weerar aargoosi ah oo ay ku qadaan goobaha ururka al-shaabab ka haysto deganaada ku yaal Koonfurta Somalia iyagoo kixciyey diyaardahooda qumaatiga u kaca.

Madaxweynaha dowlada Somalia oo xaley ka qayb galey xaflad bandhig faneed ah ee lagu qabtey magaalada Kismayo ayaa hadal uu halkaa ska jeediyey tacsi ugu direy dalka Kenya iyo qaraabadii ciidamada halkaas lagu diley.

"Waan uga tacsiyeeynayaa dowladda Kenya iyo ehellada askartii ay wax kasoo gaareen weerarkii shalay, waan ka xunnahay waana la qeybsaneeynaa murugada, waxaana ognahay in wiilashooda ay halkan howl muhiim ah ka hayaan, waana xusuusan doonnaa," ayuu yiri madaxweeyne Xasan Sheekh.

Ururka Al-shabaab ayaa weeraro noocaan oo kale horey ugu qaadey saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin Koonfurta Somalia kuwasoo u suurtagashey iney ku laayaan tiri askar ah islamarkaana qabsadaan agabka halkaas yaala.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM