Ciidamada Soomaaliya oo degaano muhiim ah ka qabsaday Al-Shabaab

Image

BAARDHEERE, Jubbaland – Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa shaaciyey in saddex tuulo oo Istaraatiiji ah ay ka qabsadeen dagaalameyaasha Al-Shabaab kadib howlgalo ay ka fuliyeen gobolka Gedo.

Degaanada AlShabaab laga saarey ayaa kala ah; Cali Xareyd, Gubad-xaar iyo Juungal, sidda laga soo xigtay war kasoo baxay taliska qeybta 49-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Dhame Cali Maxamed, Taliyaha qeybta 49-aad ee Ciidanka Xoogan Soomaaliya, oo tibaaxay in howlgalada ay sii socon doonaan ayaa sheegay in ay geysan khasaaro wallow uusan cayimin.

"Kooxaha argagixisada ah mala bac-bacdhigi karaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed. Waxaana naga go'an in aan sii baacsano," ayuu raaciyey Maxamed oo wariyeyaasha la hadlay.

Dhanka kale, taliyaha oo soo qaadey xubnaha Shabaabka ah ee dhowaanahaan isa soo dhiibaya ayaa ku tilmaamay "guulo weyn" isaga oo ragga kale ee baaqiga kusii ahna ku tartarsiiyey in ay kasoo goostan ururkaasi.

"Waxaan leenahay kooxdaasi mustaqbalkiina ayey lumineysaa. Sidaasi awgeeda, balanqaadii madaxweyne Farmaajo wali waa halkiisii, waana idin soo dhaweynaynaa hadii aad kasoo baxdaan," ayuu daba dhigay.

Howlgalada milatariga Soomaaliya ka sameynayaa gobolada ayaa qeyb ka yahay qorshaha bixitaanka xoogaga AMISOM, kaasoo dhamaadka 2020-ka mas'uuliyada amniga dalka ugu wareejinayaa ciidamada xooga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM