Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Image
Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar xooggan oo Al-Shabaab ay ku soo qaadeen.

Weerarkan ugu dambeeyay, oo lagu tilmaamay qaraxyo miino oo ay daba socdeen dagaal xooggan, ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay Al-Shabaab ku doonayso inay dib ugu qabsato goobta muhiimka ah.

Cali C/llaahi Cali oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ka warbixiyay xaalada deegaanka Xawaadley, wuxuuna sheegay in ciidamadu ay iska caabiyeen raggii weerarka soo qaaday, isla markaana ay hadda ku raad joogaan raggii weerarka soo qaaday.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, ayaa haddana wararka laga helayo deegaanka waxay sheegayaan in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Weerarka ayaa waxaa ku lug lahaa Al-Shabaab, waxaana lala beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa wali soo baxaya faah faahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka iyo sida ay u fuliyeen howlgalladaasi, iyadoo xaaladdu ay waqti-xaadirkan tahay mid soo hagaageyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM

Ra'iisul Wasaare Xamse oo booqasho ku tagaya waddanka Kenya

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu Nairobi ka socdo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 04:55AM