Ciidamada Soomaaliya oo "iska difaacay" weerar uga yimid AlShabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal muddo saacado ah socdey oo gobolka Gedo ku dhexmaray ciidamadda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan AlShabaab.

Illo wareedyo ayaa ku waramaya in iska hor-imaadka uu yimid ka gedaal markii xoogaga gacansaarka Al-Qaacida ay weerareen fariisin ay magaaladda Garbahaarey ee gobolkaasi.

Saraakiisha amniga oo sheegay in ay iska difaaceen duulaanka ayaa shaaciyey in ay dileen laba kamid ah xubnaha Shabaab ayna ku furteen hub sida Qori AK7 iyo Zaban.

"Dhankeena wax dhimasho ah ma jiraan, marka laga reebo dhaawacyo naga soo gaarey dhowr askar," ayuu yiri, wallow uusan soo bandhigin tiradda saxda ah ee waxyeelado soo gaartay.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka AlShabaab, kuwaasi oo aalaaba looga bartay in ay barahooda ku faafiyaan macluumaad ku aadan weerarada ay geystaan.

Gedo ayaa kamid ah gobolada hoostaga maamulka Jubbaland, waxaana ku sugan cutubyo kamid ah xoogaga Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Itoobiya.

Garbahaarey, oo ah caasimada gobolkaasi, ayaa waxaa mararka qaarkood laga soo wariyaa gulufyo ay geystaan AlShabaab, kuwaasi oo tuulooyinka ku hareereysan fariisimo ku leh.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM