Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo howlgallo ka sameeyay xadka Mudug iyo Galguduud

Image
Howlgalkan ayaa waxaa lagu khaarijiyay horjoogayaal sar-sare oo ka tirsanaa AS.

Xarardheere, Soomaaliya - Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka sameeyay saacadihii la soo dhaafay deegano dhaca xadka gobollada Mudug iyo Galguduud.

Howlgalkan gaar-ka ah ayaa waxaa lagu khaarijiyay horjoogayaal sar-sare oo ka tirsanaa AS, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay dowladda.

Ciidamada ayaa gudaha u galay deegaano ay ku sugan yihiin kooxda AS, iyaga oo ku duulaya xogo Sirdoon, wuxuuna ahaa ujeedka in ay talaabo ka qaadaan Horjoogayaal ka tirsan AS oo ku sugan gobollada Mudug iyo Galguduud.

Ciidanka ayaa galay waddo ay ku safrayeen Horjoogayaasha Bartilmaameedka ahaa kuwaas oo marayay deegaanka Dumaaye, iyagoo khaarajiy ku xigeenka madaxa Jabhadaha AS ee Mudug iyo Galguduud Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde).

Waxaa sidoo kale isla goobtaas lagu dilay horjooge kale oo Ajinabi ah oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa, waxaana laga soo furtay hubkii iyo agab kale oo ay wateen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM