Ciidamadda ATMIS oo lagu eedeeyay dilka labo ruux shacab ah

Image
Dilkan ayaa argagax ku abuuray deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku dileen degaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka iyo goobjoogeyaal hadlay.

Maadey Jeylaani Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee degmada Kuntuwaarey ayaa xaqiijiyay in ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa Uganda ay gudaha u galeen beer ku taalla deegaanka Buulo Mareer, ayna la kulmeen saddex ruux, labo ka mid ahna ay dileen. Shaqsiga saddexaad ayaa baxsaday inkastoo uu dhaawacmay.

“Kadib markii ay toogteen labadaasi shaqsi, ciidamada ATMIS-ta ayaa gowracay, roondo ayay ku jireen, raggan ayay ka shakiyeen, wayna toogteen, ka dibna way gowraceen, saddex qof ayay ahaayeen, laba ayay dileen, midka saddexaad oo dhaawac ahna wuu baxsadey,” ayuu yiri Maadeey Jeylaani Cali.

Dilkan ayaa argagax ku abuuray deegaanka Buulo Mareer, iyadoo dadka deegaanka ay marar badan la kulmeen falal noocaan oo kale ah oo ay ku lug lahaayeen ciidamada ATMIS-ka.

Tobaneeyo ka mid ah dadka deegaanka oo u badan dhalinyaro ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo dalbanaya in cadaalad iyo isla xisaabtan lala sameeyo.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska ATMIS iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadan. Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay kama uusan hadlin falkan.

Dadka ku dhaqan deegaanka Buulo Mareer iyo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed in ay kala xisaabtamaan ATMIS-ka howlgallada ay ka wadaan deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM