Ciidamadda oo fashiliyey is-qarxin ay maleegtay Al-Shabaab

Image
Is-miidaamiyaha ayaa qeyb ka ahaa weerar ay maleyshiyada saaka ku qaadey degaanka Baxdo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo wariyey kadib markii Al-Shabaab ay saaka weerar qaraxyo ku bilowdey ku qaadey degaanka Baxdo oo 90 KM u jira degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dadka degaanka iyo ciidanka oo iskaashanaya ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen. Labada dhinac wali kama hadlin falkan. Isgaarsiinta oo saacado hawada ka maqneyd ayaa lagu waramay in ay soo laabatay.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 16 ay ku geeriyootay isku-dhaca dhexmaray labada daraf. Saraakiisha milatariga waxay sheegeen in tiradda ugu badan ay ka "laayeen kooxda argagixisadda ah".

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in dadka dagaalka ka qeybgalay ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, dhalinyaradda degaanka iyo ciidamadda oo gurmad dheeraad ah ka helay saldhigyo ku dhowaa.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Galmudug oo fariimo kala duwan hawada u mariyey dadka degaanka ayaa bogaadiyey talaabadda "ay casharka ugu dhigeen maleyshiyadda argagixisadda ah".

"Baxdo oo mar kale cashar u dhigtay kooxaha argagaixisada ah. Dowlad Goboleedka Gamudug iyo tan federaalkaba waxaa saaran masuuliyadda garab istaagga ree Baxdo," ayuu yiri C/raxmaan Al-Cadaala, xildhibaan Aqalka Hoose ah.

Dhankiisa, wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar [Al Cadaala] ayaa ka tacsiyeeyay "dadka ku shiidey iska caabinta duulaanka kaga yimid cadowga argagixisadda ah".

"Reer Baxdo waxaad muujiseen geesinimo allaahna idinma cidlaynin Inta ku shahiiday difaaca diinta oo uu ugu horeeyo Sh Salaad Warsame ilaah hay naxariisto," ayuu ku nuux-nuuxsadey.

Dhanka kale, saraakiisha amniga Baxdo ayaa sheegay in ay qabteen nin la rumeysan yahay in uu qorsheynayay in uu isku-qarxiyo degaanka waxaana ay soo bandhigeen baabuurkiisa oo ay ku xiran yihiin aaladaha qaraxyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM