Ciidamadda Soomaaliya oo sheegtay dilka 30 xubnood ka tirsanaa AS

Image
Dagaalameyaasha la dilay waxaa kamid ah horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo loo yaqaan Mukhtaar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah ayaa dilay ku dhawaad ​​30 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kadib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen koonfurta gobolka Mudug, sida ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta.

Maleeshiyaadkii lagu dilay howlgalkii ka dhacay tuulada Qayaad ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Bashiir Muuse oo loo yaqaan Mukhtaar oo hoggaaminayay ciidamada Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaankaas iyo Maadey Foodey oo u qaabilsanaa diyaarinta walxaha qarxa ee lagu dhibaateynayo shacabka ku dhaqan gobolka Mudug.

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in 40 kale lagu dhaawacay howlgalkaasi, kaasi oo qeyb ka ah duullaanka ay dowladdu ku qaadeyso kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Howlgalkan ayaa daba socda qarax ismiidaamin ah oo labo maalmood ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Maqaayad ay dad badan ku sugnaayeen oo ku dhow Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye, waxaana ku dhintay 7 qof, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo ay sii wadatay ololaheeda qalalaasaha ee muddada dheer ay ku dooneysay inay ku burburiso dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM