Ciidamo Ajnabi ah oo lagu weeraray Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Qarax iyo weerar toos ah oo ciidamo ka tirsan AMISOM lagu beegsaday Xaafadda Carafaad ee degmadda Huriwaa ee magaaladda Muqdisho.

Qarax oo ahaa nooca dhulka lagu aaso, islamarkaana meelaha Fog-fog laga hago ayaa waxaa la sheegayaa inuu haleelay mid kamid ah Gadiidka aan Xabadda karin ee ciidanka Midowga Afrika.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa kadib uu xigay iska horimaad toos ah oo dhex-maray rag hubeysan oo loo malaynayo inay Al-Shabaab katirsan yihiin iyo ciidamada AMISOM ee la socotay kolonyada.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo haatan saddex qof oo Shacab ah ayaa ku geeryootay rasaasta ay labadda dhinac is-dhaafsanayeen, iyadoo uu jiro khasaaro dhaawac oo Shacabka iyo labada dhinacba soo gaarey.

Xaaladda goobta ayaa waxay gashay daqiiqo Jahwareer ah, inkastoo markii dambe lasoo wariyay inay si caadi ah kusoo noqday isku socodkii gaadiidka dadweynaha, iyadoo Kolanyadda AMISOM ay kasoo dhaqaajiyeen halkii lagu weeraray.

Baabuurta ciidamadda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay kusoo wajahanaayeen xarunta Xalane xilliga weerarka jidgalka ah lagu qaadayay, iyagoo kasoo baxay Stadium Muqdisho, halkaasoo fariisin u ah.

Xoogaga Al-Shabaab, Taliska AMISOM iyo maamulka degmadda Huriwaa wali wax war ah kama aysan saarin falkaan khasaaraha inta ilaa iyo haatan la ogyahay kasoo gaarey Shacabka.

Maalmihii u dambeeyay amaanka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho wuxuu ahaa mid sii xumaanayay, iyadoo ay ka dhacayaan falal lidi ku ah amaanka, wallow laamaha amniga ku howlan yihiin wax ka qabashadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM