Ciidamo badeed oo ay Soomaaliya yeelato oo go'aan laga gaarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib kulan ay Muqdisho ku yeesheen Wasaaradaha Amniga ee maamul goboleedyadda dalka, iyo midda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu heshiiyay in Soomaaliya ay sameysto ciidamo Badeed xoog leh.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdinaasir Saciid Muuse, oo shirkaan kadib la hadlay saxaafadda wuxuu sheegay in Badda Soomaaliya ay hadda tahay mid furan, oo aan lahayn wax ilaalo ah.

"Badeena waa mid hadda iska furan, waxaana ku heshiinay in Soomaaliya ay yeelato ciidamo badeed si aan uga hortagno Hubka sharci daradda ee kooxaha argigixisadda loo soo mariyo," ayuu wasiirka hadalkiisa raaciyay.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay hadda wajahayso eedaymo ku aadan inay Hub si sharci darro ah uga soo iibsatay Jabuuti, kaasoo loo waday Xuutiyiinta Yemen. [Halkan ka akhri Warka]. 

Puntland ayaa ah maamulka kaliya ee Soomaaliya oo leh ciidamo Badeed shaqeeya kuwaasoo la aas-aasay 2011, waxaana taageero siisa dowladda dowladda Imaaraadka.

Go'aankan dib loogu dhisayo Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa sidoo kale imaanaya xilli dhawaan Itoobiya sheegtay inay sameysaneyso ciidamo Badeed, oo lagu sheegay kuwa ugu xooga badan Afrika, waxaana labada dowladood ay dhawaan kala saxiixdeen is-afgarad ah oo dhanka Dekedaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM