Ciidamo cusub oo lagu wareejiyay amniga Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ciidamo ka socda Itoobiya, gaara ahaan kuwa qaybta ka ah howlgalka Nabad-illaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa lagu wareejiyay amaanka caasimad goboleedka Bay ee Baydhabo, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in talaabadani ay la xiriirto sugitaanka amniga inta ay socoto olalaha doorashadda iyo maalinta doorashada ee maamulka goboleedka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa intaas ku daraya in talaabada ay ciidamada Ajanabi ah loogu wareejiyay amniga Baydhabo ay timid kadib markii xubnaha mucaaradka ay cabashooyin u gudbiyeen Beesha Caalamka, iyagoo tilmaamay in loogu hanjabay in "la khaarijinayo".

"Tani waxay ku timid cadaadis ka yimid Beesha Caalamka iyo dalabka mucaaraadka ah oo amnigooda uga baqaya Shariif Xasan, maxaa yeelay waxaa jiray hanjabaadyo ay sheegeen inay la kulmeen," sidaas waxaa yiri sarkaal u waramay GO.

Doorashadda Koonfur Galbeed oo qabsoomeysa sida uu qorshuhu yahay bisha November ee sanadkaan 2018 ayaa waxaa Madaxwayne Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku dhawaaqay mar sii horeysay inuu u yahay murashax doonaya in dib loo doorto.

Amniga ayaa ah mawduuca ugu wayn ee murashax walba oo ku doonayo inuu ku kasbado Xilldhibaanada, maadaama haatan aysan jirin gobolka kamid ah saddexda gobol ee hoos-timaada Koonfur Galbeed oo si buuxda ugu jirta gacanta maamulka.

Siyaasiyiin mucaarad ah ku ah maamulka Shariif Xasan oo uu hogaaminayo Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maalmihii u dambeeyay dalka iyo dibadda ka waday kulamo ay uga arinsanayaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen Shariif Xasan.

Olalaha doorashadda ayaa si wayn looga dareemayaa magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Bay, waxaana Murashax walba uu wadaan kulamo uu la qaadanayo Xilldhibaanadda, Odayaasha Dhaqanka iyo Wax-garadka, isagoo doonaya in loosoo doorto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM