Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray koonfurta Soomaaliya

Image

GARBAHAAREY, Jubbaland – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar jidgal ah ku ekeeyay kolanyo ay la socdeen ciidamo Itoobiyaan ah ayaa qeybo kamid ah gobolka Gedo ka dhalisay dagaal xoogan.

Iska hor-imaadka oo ay dadka sheegeen in uu ahaa mid muddo socday ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa magaaladda Luuq iyo tuuladda Bashir, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta.

Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsan howlgalka nabad-illaalinta Soomaaliya ee loosoo gaabiyo AMISOM oo Axadii kasoo kicitamay Yurkud ayaa Talaadada maanta ah la beegsaday kahor inta aysan gaarin Luuq.

Maamulka gobolkaasi hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland oo xaqiijiyey dhacdada ayaa wuxuu ka gaabsaday khasaaraha ka dhashay is-rasaaseyntaasi oo la sheegay in laysku adeegsaday hub culus.

Xoogaga gacan-saarka la leh shabakadda "argagixisada ah" ee Al-Qaacida ayaa guul iyo jab "culus" oo ay gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya ka sheegtay dagaalka.

Taliska guud ee ciidanka Itoobiya si lamid ah midka ku sugan Soomaaliya oo aan weli ka aysan fal-celin dhacdadan ayaa hoos-u-dhigay dalab ku aadan in ay fahfaahin ka bixiyaan isku dhaca.

Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneen howlgalka Midowga Afrika ayaa gobolada waddanka waxay ka joogaan qaybo kamid ah maamul goboleedyadda Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Jubbaland.

Inta badan Al-Shabaab oo magaala madaxda dalka ee Muqdisho laga saarey sanadkii 2011-kii ayaa gulufyo isugu jira qaraxyo iyo weerar toos oo gedis ah ku ekeysay kolanyo ciidamada shisheeye ee gobolad dalka ku sugan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM