Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray koonfurta Soomaaliya

Image

GARBAHAAREY, Jubbaland – Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar jidgal ah ku ekeeyay kolanyo ay la socdeen ciidamo Itoobiyaan ah ayaa qeybo kamid ah gobolka Gedo ka dhalisay dagaal xoogan.

Iska hor-imaadka oo ay dadka sheegeen in uu ahaa mid muddo socday ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa magaaladda Luuq iyo tuuladda Bashir, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiinta.

Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsan howlgalka nabad-illaalinta Soomaaliya ee loosoo gaabiyo AMISOM oo Axadii kasoo kicitamay Yurkud ayaa Talaadada maanta ah la beegsaday kahor inta aysan gaarin Luuq.

Maamulka gobolkaasi hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland oo xaqiijiyey dhacdada ayaa wuxuu ka gaabsaday khasaaraha ka dhashay is-rasaaseyntaasi oo la sheegay in laysku adeegsaday hub culus.

Xoogaga gacan-saarka la leh shabakadda "argagixisada ah" ee Al-Qaacida ayaa guul iyo jab "culus" oo ay gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya ka sheegtay dagaalka.

Taliska guud ee ciidanka Itoobiya si lamid ah midka ku sugan Soomaaliya oo aan weli ka aysan fal-celin dhacdadan ayaa hoos-u-dhigay dalab ku aadan in ay fahfaahin ka bixiyaan isku dhaca.

Ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneen howlgalka Midowga Afrika ayaa gobolada waddanka waxay ka joogaan qaybo kamid ah maamul goboleedyadda Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Jubbaland.

Inta badan Al-Shabaab oo magaala madaxda dalka ee Muqdisho laga saarey sanadkii 2011-kii ayaa gulufyo isugu jira qaraxyo iyo weerar toos oo gedis ah ku ekeysay kolanyo ciidamada shisheeye ee gobolad dalka ku sugan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM