Ciidamo la wareegay Baydhabo iyo wararkii ugu dambeeyay Doorashada KG

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ciidamo isagu jira Itoobiyaan, Booliska dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta la wareegay magaalada Baydhabo, halkaasi oo berri lagu wado inay ka dhaco doorashada madaxtinimada.

Gudiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa ku jira diyaar-garowgii ugu dambeeyay, waxayna shalay soo gaba-gabeeyeen hadal-jeedintii Musharixiinta la diiwaangeliyay.

Musharaxiinta ayaa dhinacooda wadda kulamadii ugu dambeeyay oo ay la qaadanayaan Xildhibaanda, kuwaasi oo ay kaga dalbanayaan inay codadkooda siiyaan maalinta cod-bixinta.

Shan musharax ayaa u taagan doorashadda, Mukhtaar Roobow oo lix ku ahaa waxaa Khamiistii lasoo dhaafay kasoo xirtay Baydhabo dowladda, taasi oo ay ka dhalatay banaanbaxyo rabshado watay, oo ay ku dhinteen dad oo ku jiro Xilldhibaan.

Baaqyo dhinacyo kala duwan ka imaanayay oo ku aadan in xorriyadiisa dib loogu soo celiyo iyo dib udhigista doorashadda ayay dhagaha ka fureysteen Guddiga doorashooyinka oo ku adkeysanaya inay qabsomeyso.

Amniga caasimad goboleedka Bay ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana lagu soo daabulay ciidamo hor-leh guud ahaan wadooyinka iyo nawaaxiga halka loo qorsheeyay inay doorashada ka dhacdo.

Dhanka kale, magaalada Bardaale ee gobolka Baay, waxaa maanta ka dhacay Dibad-bax balaarran oo ay dhigeen Shacabka halkaasi ku dhaqan, kuwaasi oo ku baaqayay in lasoo daayo Mukhtaar Roobow, dibna loo dhigo doorashada.

Doorashada Koonfur Galbeed oo soo jiidatay Indhaha, islamarkaana noqotay hadal-haynta ugu badan siyaasadda dalka maalmihii aynu kasoo gudubnay ayaa dhacaysa iyadoo uu xiran yahay Roobow, sidoo kalena lagu baaqey in dib loo dhigo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM