Ciidamo loogu magacdaray "Nabad ku Afur" oo lasoo bandhigay
MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa ka qeybgalay Manaasabada Dhaarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee shalay loogu soo xiray Dugsiga Tababarka S/guuto Kaahiye.
Munaasabada dhaarinta Ciidankan waxaa ka soo qeybgalay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya S/guuto Zakiye Xuseen Axmed iyo saraakiil kale.
Ciidanka maanta la dhaariyay ayaa gaarayo 300 waxaa ay ka mid Noqondoona Ciidamada Nabad ku Afur ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku waasi oo kaalin Buuxda ka qaadan Doono Sugida amniga Caasimada inta lagu guda jiro Bisha barakeysan ee Rabadaan.
"Muwaadin ka qeyb Noqo sugida amniga lana wadaag Ciidamada amniga hadaad aragto wax lid ku ah amiga si aan meel uga soowada Horjeesano dhagarta kooxda Khawaarijta ee dhibaada kuhaya shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu soo xiray.
GAROWE ONLINE