Ciidamo Mareykan ah oo lagu weeraray Jubada Dhexe [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Sooamaaliya - Xoogaga Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar culus ay ku ekeeyeen Kolanyo ay la socdeen ciidamo Mareykan ah, iyo kuwa Soomaali ah oo mareysay duleedka degaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubada Dhexe.

Fahfaahinta laga helayo weerarka ayaa intaas ku dareysa inuu ku bilowday Garneeladda Garbaha laga gano, waxaana xigtay Rasaas ay is-dhaafsadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamadda Huwanta ah.

Al-Shabaab oo guulo waa wayn ka sheegatay dagaalka waxay tilmaamtay inay ku gaarsiisay Kolanyadda khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aanan la ogayn inta oo la egyahay.

Saraakiisha ciidamadda Jubbaland ee gobolka Jubbada Dhexe wali ma aysan hadlin weerarkaan, inkasta oo xiriiro kala duwan oo uu isku deyay Warsidaha Garowe Online inuu la sameeyo aysan noo suuragelin.

Taliska ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika loona yaqaano AFRICOM dhinacooda kama aysan hadlin weerarka gaadmadda ah ee la sheegay in lagu beegsaday ciidamo Ameerikicaan ah.

Ciidamadda ayaa la seegay inay kusoo wajahanaayeen Saldhiga tuuladda Baar-sanguuni, laakiin markii weerarka uu ku qabsaday duleedka degaanka ay uleexdeen dhanka Buula-gaduud ee isla gobolka.

Dhacdadaan ayaa kusoo beegmaysay xili degaano iyo degmooyin ka tirsan goboladda dalka ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah dhaqdhaaqa Al-Shabaab, kaasoo ujeedkiisu yahay in laga awood-roonaado.

Bishii June ee sanadkaan ayay ahayd markii weerar madaafiic loo adeegsaday oo ka dhacay degaanka Baar-sanguuni oo ay kooxda Al-Shabaab dhabarka saaratay lagu dilay Askari Mareykan ah.

Tan iyo xiligaas waxaa warar soo baxayey ay sheegayeen in ciidamadda Mareykanka ay yareeyeen joogitaankooda Saldhiga Baar-sanguuni, inkasta oo mararka qaarkood ay u imaanayeen arrimo ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM