Ciidamo Mareykanka ah oo howlgal culus ka fuliyay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Danab ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay Saldhigyo Al-Shabaab ku leedahay degaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen Tuulooyinka Baqdad iyo Basra oo duleedka degmada Afgooye xalay saqdii dhexe, iyagoo bartilmaameedkoodu ahaa saldhigyo ay leedahay Al-Shabaab.

Dagaal fool ka fool ah ayaa ka dhashay howlgalka, kaasoo la sheegay in lagu soo furtay 7 qof oo ku xirnaa xabsiyada Al-Shabaab, kuwaasoo ay horey usoo wateen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Danab, oo geeyay saldhiga Balli-doogle.

Saraakiil katirsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka ay ku dileen dagaalamayaal Al-Shabaab, oo ay ku jireen sida ay hadalka udhigaan xubno sarre oo kamid ah hogaanka Saldhigyadda lagu duulay.

Ma jiro war rasmi ah oo Milatariga Mareykanka, gaara ahaan Taliska Qaaradda Afrika ee AFRICOM kasoo saarey howlgalkaan, sidaasi si lamid ah xoogaga Al-Shabaab kama jawaabin warka kasoo yeeray ciidanka xooga dalka.

Bishii hore ayey ahayd markii weerar cirka iyo dhulka ah lagu ekeeyay Saldhigyo ay Al-Shabaab leedahay degaanka Basra, kaasoo Taliska ciidanka xooga ee gobolka uu ka sheegtay guulo waa wayn.

Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili dhowaanahaan ay Al-Shabaab kordhisay dhaqdhaqaaqyada ay beegsaneyso Saldhigyadda ciidanka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo khasaaro dhaliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Bixinayaa Sawirka Labada Taliye Sirdoon ee Ku Sugan Dalka Itoobiya?

Kulanka labada taliyeyaal ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Al-Shabaab ay maanta…

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 06:39PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM