Ciidamo Mareykanka ah oo howlgal culus ka fuliyay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Danab ee dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay Saldhigyo Al-Shabaab ku leedahay degaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen Tuulooyinka Baqdad iyo Basra oo duleedka degmada Afgooye xalay saqdii dhexe, iyagoo bartilmaameedkoodu ahaa saldhigyo ay leedahay Al-Shabaab.

Dagaal fool ka fool ah ayaa ka dhashay howlgalka, kaasoo la sheegay in lagu soo furtay 7 qof oo ku xirnaa xabsiyada Al-Shabaab, kuwaasoo ay horey usoo wateen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Danab, oo geeyay saldhiga Balli-doogle.

Saraakiil katirsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka ay ku dileen dagaalamayaal Al-Shabaab, oo ay ku jireen sida ay hadalka udhigaan xubno sarre oo kamid ah hogaanka Saldhigyadda lagu duulay.

Ma jiro war rasmi ah oo Milatariga Mareykanka, gaara ahaan Taliska Qaaradda Afrika ee AFRICOM kasoo saarey howlgalkaan, sidaasi si lamid ah xoogaga Al-Shabaab kama jawaabin warka kasoo yeeray ciidanka xooga dalka.

Bishii hore ayey ahayd markii weerar cirka iyo dhulka ah lagu ekeeyay Saldhigyo ay Al-Shabaab leedahay degaanka Basra, kaasoo Taliska ciidanka xooga ee gobolka uu ka sheegtay guulo waa wayn.

Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili dhowaanahaan ay Al-Shabaab kordhisay dhaqdhaqaaqyada ay beegsaneyso Saldhigyadda ciidanka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo khasaaro dhaliyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM