Ciidamo qarax lagula beegsadey gobolka Shabeelaha Hoose

Image
MUQDISHO ( GO) - Kolanyo ay la socdeen ciidamadda dowladda Soomaaliya oo mareysay wadada xeebta ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa qarax lagu weerarey.
 
Qaraxa oo loo adeegsaday Miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa laga soo wariyey inuu ka dhacey inta u dhaxeysa degaanadda Dhanaane iyo Jazeera oo Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.
 
Dagaalyahanada hubeysan ee Al-Shabaab oo dhabarka saartey mas'uuliyadda weerarkaan ayaa cod dheer ku sheegay inay ku dileen Sideed Askari ciidamada Soomaalida ayna ku dhawaaceen Shan kale.
 
Sarkaal u hadley xoogaga gacan-saarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ayaa tibaaxey in qaraxa oo ahaa mid culus ay sidoo kale ku gubeen Gaari uusan shaacin nooca uu ahaa.
 
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolkaShabeelaha Hoose  ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho in Askarta ku dhaawacantey qaraxa loola soo cararey qaarkood Isbitaalo ku yaala caasimada, si loogu daaweeyo.
 
Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada qaraxyada loo adeegsado ee ciidanka dowladda ay kula eegtaan degaanada ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo ka dambeysay kadib markii uu hoos u dhaceen weerardii ka dhanka ahaa kooxahaan.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM