Ciidamo Somali iyo Ajnabi isugu jira oo howlgal ka fuliyay Jubbada Hoose

Image

KISMAYO, Somalia - Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Ajnabi ah oo loo malaynayo inay yihiin Mareykan, ayaa  weerar qorsheysan ku qaadey saldhig ururka Al shabaab ku leeyahay gobolka Jubbada Hoose.
Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Golashombi, oo qiyaastii 90 KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo gacanta ay ku hayaan Al shabaab.  Wararka Warsidaha Garowe Online ka helayo Illo deegaanka ah, ayaa sheegay in ugu yaraan 3 kamid ahaa Ururka Al shabaab lagu dilay weerarka, sidoo kalena la bur-buriyay saldhigyo iyo Baro-koontarool oo ay lahaayeen. 

Dagaal xoogan oo saacado qaatey ayaa la sheegay in labada dhinac ku dhexmaray gudaha iyo nawaaxiga deegaanka Golashombi, waxaana dagaalka ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.  

Waa Weerarkii Labaad oo mudo Todobaad gudahiisa ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Mareykanka ka fulinayaan deegaanada ay maamulaan Al shabaab ee ku yaallo duleedka Kismaayo.  

Weerarkaan ayaa ku soo beegmaya xilli duqeyn muran siyaasadeed dhalisay ciidamada Mareykanka ku qaadeen sadlhig ciiramada al shabab ku lahaayeen duleedka Galkacayo halka maamulka Galmudug iyo dowlada Federaalka diideen arinkaas. 

Ma jiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay Dowladaha Somalia, Mareykanka, ama Al shabaab oo ku aadan Weerarka Xalay ka dhacay deegaanka Golashombi.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM