Ciidamo u dhashay Jabuuti oo lagu weeraray bartamaha Somalia

Image

BELEDWEYNE, Somalia - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jid-gal ah oo xalay Al-Shabaab ku qaadey kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo u dhashay Jabuuti xilli ay ku safrayeen gudaha gobolka Hiiraan.

Mire Xussen Siyaad, oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Jalalaqsi ayaa xaqiijiyay weerarka, isagoo sheegay in ciidamada loo galay wadada u dhaxeysa Buurane iyo Fiidow, halkaasi oo ka dhacay dagaal culus oo khasaaro sababay.

Gudoomiye Mire ayaa meesha ka saareyay warar sheegaya in Iska hor-imaadka lagu dilay dhowr Askari oo katirsan ciidamada Jabuuti, waxaana uu xusay in warkan uu yahay mid been ah oo Al-Shabaab baabisay.

Ciidamo kale oo Soomaali ah ayaa la sheegay inay la socdeen kuwa Januuti oo xilli weerarka ka yimid dhinaca degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuna sii jeeday gobolka Shabeellaah Dhexe.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada Kolonyada gaadiidka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia xilliyada ay ku socdaalayaan wadooyinka isku xira degmooyinka gobollada Koonfurta Somalia ku yaalla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM