Ciidanka dowladda oo ku dagaallamay Muqdishu

Image

06 January, 2016(GO)-Dagaal khaasaaro nafeed gaystay ayaa maanta magalada Muqdishu ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan dowladda Somalia kuwaas oo isku khilaafay howl gal loo diray.

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay tira kalena dagaalka oo socday muddo laba saac ah, kana dhacay xaafadda Soona Key degmada Hodan.

Ciidamada dagaallamay ayaa isku khilaafay dhul la isku haysto oo Boliiska Muqdishu sheegeen in lagu amray inay burburiyaan, halka Millatari halkaas ku sugnaa kasoo horjeesteen.

Wararka ayaa sheegaya in guryaha la bur burinayo degan yihiin qaar ka mid ah qoysaska askarta diidan ee katirsan Millatariga Somalia, sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal kusugan muqdishu.

Ciidamada dagallamay ayaa weli ishorfadhiga, waxaana socda barakac ay samaynayaan dadka degmada kuwaas oo ka cabsi qaba dagaal mar kale dhaca.

Goob joogayaal kusugan degmada Hodan ayaa tilmaamaya inay dhexgaleen ciidamo katirsan AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM