Ciidanka dowladda Somalia iyo Shabaab ku dagaallamay Shabeellaha hoose

Image

04 January, 2016(GO)-Dagaal xooggan ayaa ciidanka dowladda iyo mallayshiyaad katirsan ururka Al-Shabaab ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo War-maxan oo katisan gobolka Shabeelaha hoose, waxaana ka dhashay qasaaro aan la xaqiijin.

Deegaanka oo u dhaxeeya Afgooye iyo Wanlaweyn ayaa fariisin u ahaa ciidamo katirsan dowladda Somalia, waxaana warar lagu qoray baraha taageera kooxda Shabaab lagu muujiyay inay gudaha u galeen deegaanka isla markaan ciidanka dowladda kala wareegeen saanad Millatari iyo gaadiid, halka ay dileen tiro tirsan ciidanka.

Balse, warkaasi waxaa beeniyay maamulka gobolkaas xilli uu la hadlay warbaahinta gudaha isagoo sheegay inaysan jirin sheegashada Al-Shabaab wuxuuna xusay inay iska caabiyeen.

Xaaladda degaanka ayaa lagu soo waramayaa inay dagantahay, waxaana jira cabsi dadka deegaanku ka qabaan weeraro kale.Maaha markii ugu horraysay oo labada dhinac ku dagaallamayaan deegaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM