Ciidanka Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya oo dagaal dhexmaray
NEW YORK, USA - Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle, ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay si sharci darro ah ku soo galeen xadka ay wadaagaan. Eedeymahan ayaa horseeday in ay iska hor imaad la galaan ciidamada ammaanka deegaanka, waxaana ay sare u qaadeen xiisadda u dhaxeysa labada dal ee deriska ah.
“Todobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada Itoobiya ee aan ATMIS-ka ahayn waxay ka soo tallaabeen xuduudka Soomaaliya, iyagoo kasoo galay meelo kala duwan, waxayna la dagaallameen ciidammada ammaanka ee Soomaaliya,” ayuu yiri Baalle oo ka hadlayay shirkii Gollaha Amaanka Isniintii shalay.
Sida ay sheegayaan wararka ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa hadda ku sugan Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS. Hawlgalka ayaa ujeedkiisu yahay in lagula dagaalamo al-Shabaab, oo ka talisa qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.
Eedeynta Safiirka Soomaaliya ayaa kor u sii qaadaysa walaaca laga qabo hab-dhaqanka ciidamada Itoobiya iyo in laga yaabo in ay sii huraan colaadaha gobolka. Beesha Caalamku waxay u badan tahay inay si dhow ula socon doonto xaaladda iyo in dadaal diblomaasiyadeed la samayn karo si xiisadda loo qaboojiyo, arrimahana lagu xalliyo si nabad ah.
Eedeymahan ayaa kusoo aadaya xili Soomaaliya ay horey u wajahday caqabado dhanka amaanka ah oo ay ugu wacan tahay Al Shabaab oo tan iyo sanadkii 2007 dagaal kula jira dowladda Soomaaliya, waxaana ay mas’uul ka ahaayeen weeraro badan oo ka dhacay dalka.
Dhinaca kale Itoobiya ayaa ah xubin muhiim ah oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Dalku wuxuu ka qayb qaatay dadaallada lagu xasilinayo gobolka iyo la dagaalanka khatarta Al-Shabaab.
Eedeynta ah in ciidamada Itoobiya ay si sharci darro ah isaga gudbeen xuduudka iyo iska hor imaadyo ay la galeen ciidamada ammaanka deegaanka ayaa keeni karta in xiriirka labada dal uu kasii xumaado sidii horw. Waxaa la arki doonaa sida xaaladdan lagu xalin karo iyo in ay saameyn joogto ah ku yeelan karto xasilloonida gobolka.
GAROWE ONLINE