​Colonel Tareedisho "7 katirsan Shabaab ayaan Galgaduud ku dilnay"

Image

MUQDISHU, Somalia- Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Bariga Galguduud Col Axmed Tareedisho, ayaa sheegay in ciidamadooda sida gaarka ah u tababaran ay ku dileen deegaanka massagawaay ee Gobalka Galgaduud ay ku dileen 7 katirsan ururka Al Shabaab.

Howlgalkan ayaa taliyuhu xusay inay ku dhaawaceen sideed kale islamarkaana kusoo furteen hub iyo saanad miletari oo kooxdaasi lahayd.

“Saldhig ay Al-shabaab lahaayeen oo ku yaalla Deegaanka Masago-waay ayaan weerarnay, Saldhigga waan burburinay, waxaan halkaas ku dilnay 7 ka tirsan kooxda alshabaab 8 kalana waan ka dhaawacnay hubkoodiina waan soo furanay,” Ayuu yiri Col Tareedisho.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in uu halkaas si dirqi ah uga baxsaday Horjoogihii maleeshiyadaas oo lagu naaneyso Adkaar, kaas oo mas’uul ka ahaa dilalka shacab dhawan ay laayeen maleeshiyaadka Shabaab.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha la doonayo in kooxda Al Shabaab looga saaro dhamaan deegaannada dhaca bariga Galgaduud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Uganda oo 7 Askari looga dilay howlgal lagu qabtay deegaan ku dhaw Muqdisho

"Nasiib darro, waxaan ku weynay toddoba askari intii lagu guda jiray dagaalka," ayuu yiri afhayeenka ciidamada Uganda, Felix Kulayigye.

  • Soomaliya

    23-06-2025

  • 08:23AM

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM