Coronavirus oo baajiyey dhoolatus ciidan oo lagu casuumay Soomaaliya

Image

NEW DEHLI, India – Taliska Ciidamadda Badda Hindiya ayaa Talaadada maanta ah shaaca ka qaadey in ay dib u dhigeen dhoolatus wadajir ah, sababo ku aadan cabsida laga qabo faafinta Coronavirus.

Wargeyska afka dheer ee India Today ayaa illo wareedyo kasoo xigtay in go'aanka hakinta uu yahay "mid aad looga baaraan degay".

Carbiska ayaa qorshuhu ahaa in uu magaaladda Visakhapatnam ku qabsoomo taariikhdu marka ay tahay 18-ka Maaj, 2020.

Dalal kala duwan oo lagu martiqaadey waxaa kamid ah Soomaaliya, sidda ku xusan warbixino ay daabaceen saxaafada maxaliga ah.

Sidda ku cad warbixinadda, wadamada kale ee lagu casuumay waxaa ku jira; Kenya, Mozambique, Sudan, Qatar, Thailand, Malaysia, Egypt, France, Sri Lanka, Vietnam, Myanmar, New Zealand, Israel, Tanzania, Comoros, Seychelles Brunei, Philippines, Madagascar, Saudi Arabia, Oman, Mauritius, Cambodia, Singapore, South Africa, South Korea, Kuwait, Djibouti, Bahrain, UAE, Eritrea, Bangladesh Indonesia, Maldives iyo Australia.

Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Japan, Ruushka iyo Iiraan ayaa lagu qeexay dowladaha waaweyn ee liiska ka qeyb-galeyaasha ku jira.

Dhoolatuska ciidamada badda Hindiya oo sanadle ah ayaa waxaa lagu soo bandhigaa awooda cutubyada biyaha ee waddankaas.

Iyaddoo cudurkaan dilaaga ah uu kasoo bilowday dalweynaha Shiinaha, gudaha Hindiya waxaa laga xaqiijiyey afar kiis oo midkood laga soo wariyey caasimada New Dehli, halka saddex kale lagu tilmaamay Kerala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM